Ha calaacalin

Calaacalka iyo cabashadu waxay qofka ka dhigaan qof liita oo aan dooneyn inuu noloshiisa masuuliyadeeda qaato, waxaad noqoneysaa qof markasta raadiya cudurdaar iyo cabasho si aad masuuliyadahaaga isku dhaafiso.

Maxaa kamid ah dhibaatooyinka uu kuu keeni karo calaacalka badan.

  1. Markasta oo aad calaacasho waxaa ay maskaxdaadu soo deynaysaa hormoonada walwalka keena sida Cortisol-ka oo kale.
  2. Haddii aad maanta oo dhan cabasho iyo calaacal uun wadid, waxaad baranaysaa inaad waxkasta ka eegto dhanka xun ee taban, taas oo kaa dhigi doonta inaad noqoto qof waxkasta dhibsada oo xitaa wanaaga ayaa ku dhibi doona.
  3. Calaacalka badan waxaa kugu naca dadka kuu dhaw ee xidhiidhku idinka dhaxeeyo, markasta oo aad dadka u calaacasho oo aad u cabato, heer waxay gaadhi doontaa dadku kaa dhuuntaan oo ay yidhaahdaan “war waa kii calaacalka badnaa”

Si aad dabeecadaa xun iskaga joojiso waxaad sameyn kartaa:

  1. Isku day inaad isbarto masuuliyadda iyo muhiimada ay naftaada u leedahay.
  2. Markasta ka eeg waxwalba dhanka wanaagsan.
  3. Isbar mahadnaqa Ilaahay iyo dadka kaleba.
  4. waxyaabaha aanad awoodi karin ha qaadin masuuliyadooda.

2 thoughts on “Ha calaacalin

  1. waxa kamida waa fikirkaygee haday su aashu tay mid babliga weye waa kow dadku inay ku nacaan oo ay dhahaan waa kii xuma ama tii xumayd ee cala calka kasamaysnayde inaga dhaafa laba in waxad ku cabanaysaa deris kula noqdan ama wehel kuu noqdan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *