Farsamooyin kusaabsan waxqabadka.

Mararka qaar adigoo maanta hawlo badan qabtay hadana caawa oo kale ma dareentaa inaadan waxbadan qaban oo productivity-gaagu hooseeyo oo kale, labadan farsamo ila eeg:

Marka productivity-ga la joogo, waxaa wanaagsan inaad shaqooyinkaaga kala jajabiso oo aad sameysato wax la dhaho “Guulo yaryar” tusaale jaamacada imtixaan kagalaysaa, marka hadii aad haljabtar aqrineyso maanta, ha dhihin hal jabtar ayaan aqrinayaa ee waxaad u kala jajabisaa dhawr qeybood oo maanta dhameey 1 ama 2 qeyb, marka muhiimadu waa inaad wax dhamayso, si aad u dareento inaad wax qabatay.

Farsamo kale oo aad isticmaali karto iyadana waxaa weeye inaad maalin kasta sameysato liis tusaale ahaan ka kooban 10 shey, marka hadafkaagu ha noqdo inaad 3 xabo ka qabato maalintaas, adigoo aaminaya in hadii aad 3 qabato aad guuleysatay maalintaas, tani waxay keenaysaa hadii ay jiraan waxyaabo muhiim kuu ah oo aad maalintaas qaban rabtay (Sida inaad hurdada xili hore ka toosto) ay kuu noqon waydo inaad waxkale ku badalan karto balse aanad isdhiibin.

Xusuuso: waxkasta mawada qaban kartid, laakiin wax uun waa inaad qabataa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *