Fahamka Maaliyadda marka aad ganacsi bilaabayso

Haddii aad tahay Ganacsade, ama aad dooneyso inaad ganacsi bilowdo, waa muhiim inaad wax ka garanayso xisaabaadka ama aad ugu yaraan fahmi karto micnayaasha loogala jeedo waxyaabaha qaar.

Waxaan halkan idinkula wadaagayaa dhawr qeexitaan oo muhiim ah marka la joogo maaliyadda iyo ganacsiga.

[irp posts=”1998″]

  1. Assets: Hantida ganacsigu waa waxkasta oo uu ganacsigu leeyahay, kuwaasoo leh qiimo iyo waxsoosaar, sidoo kalana lacag loo badali karo hadii la iibiyo.
  2. Liabilities: Deemaha lagu leeyahay ganacsigaaga ee aad soo amaahatay ama aad agab kusoo qaadatay balse aan wali la bixin.
  3. Equity: waa saamiga uu qof ku yeelan karo ganacsi, waxaana lagu soo saaraa hantida shirkada leedahay oo laga jaro deemaha lagu leeyahay shirkadaas, intaas wixii kasoo hara ayaa noqon kara saami la wadaagi karo ama qof kaligii uu yeelan karo.
  4. Revenue: Dakhligu waa lacagta guud ee soo gasha shirkadda iyada oo ka timid iibinta alaabada ama adeegyada ay bixiso. Waa isha ugu weyn ee dhaqaalaha shirkad kasta, waxaana lagu cabiraa lacagta soo xaroota ka hor inta aan laga jarin kharashaadka.
  5. Expenses: Waa lacagta ay shirkaddu bixiso si ay u maareyso hawlaheeda maalinlaha ah si ay u sameyso dakhli. Sida kharashaadka alaabta ceyriinka, mushaaraadka shaqaalaha, kirada, iyo bixinta adeegyada.
  6. Profit: Waa Lacagta soo harta ka dib marka laga jaro dhammaan kharashaadka shirkadda. Waa farqiga u dhexeeya dakhliga guud iyo kharashaadka guud. Faa’iidadu waa tilmaame muhiim ah oo lagu qiimeeyo guusha dhaqaale ee shirkadda, waxayna muujinaysaa inta lacag ee shirkaddu ka heshay iibinta alaabta ama adeegyada ka dib markii la daboolay dhammaan kharashaadka.
  7. Cash flow: Qulqulka lacagta waxaa lagu tixraacaa lacagta soo gasha iyo tan ka baxaysa shirkadda muddo cayiman gudaheed. Socodka lacagta wanaagsan waxay tilmaamtaa in shirkaddu leedahay lacag ku filan si ay u daboosho kharashaadkeeda joogtada ah, sida mushaharka shaqaalaha, bixinta deymaha, iyo maalgelinta fursadaha cusub.
  8. Capital: Raasumaalku waa hantida ee shirkaddu isticmaasho si ay u maalgeliso hawlaha ganacsigeeda. Raasumaalku wuxuu noqon karaa lacag caddaan ah, hanti ma guurta ah sida dhismayaal, ama qalabka wax soo saarka. Waa mid ka mid ah aasaaska ugu muhiimsan ee ganacsiga, isaga oo saameyn weyn ku leh awoodda shirkadda ee koritaanka iyo ballaarinta.
  9. Depreciation: Hoos u dhaca qiimaha waa hab xisaabeed taasoo loo isticmaalo in lagu qaybiyo qiimaha hantida ma guurtada ah (sida gaadiida, iyo qalabka) muddada ay faa’iido leeyihiin. Tani waxay ka caawisaa shirkadaha inay si sax ah uga tarjumaan qiimaha adeegsiga hantidaas xisaabaadkooda. Dhimista qiimaha waxay muujineysaa sida qiimaha hantidu u yaraanayo sanad walba sababtoo ah isticmaal, duugoob, ama tiknoolajiyad cusub oo beddela.
  10. Amortization: Tani waa Deprciationka aan xaga sare kusoo xusnay oo kale, balse waxay gaar u tahay waxyaabaha aan la arki karin ee aan agabka caadiga ahayn sida: Software ay shirkadu soo iibsatay oo mudo kadib dhici doona.
  11. Balance Sheet: waa warbixin maaliyadeed oo lagu muujiyo xaaladda dhaqaale ee shirkadda wakhti cayiman, waxayna si faahfaahsan u soo bandhigtaa hantida shirkadda, kharashaadka, iyo raasumaalka.
  12. Income Statement: waa warbixin maaliyadeed oo lagu muujiyo dakhliga soo gala shirkadda, kharashaadka ka baxa, iyo faa’iido ama khasaaro inta lagu jiro muddo cayiman. Warbixintani waxay si faahfaahsan u qeexaysaa sida shirkaddu u soo saartay dakhli (lacagta soo gasha) iyo sida ay u isticmaashay (lacagta baxday) muddadaas, iyo ugu dambeyn faa’iidada saafiga ah ama khasaaraha saafiga ah.
  13. Liquidity: Waa awoodda shirkadi u leedahay inay sida ugu dhaqsaha badan ugu beddeli karto hantideeda lacag caddaan ah iyadoon qiimo weyn lumin.
  14. ROI: Soo celinta Maalgashiga waa hab wax ku ool ah oo lagu cabbiro faa’iidada ama khasaaraha maalgashiga, taas oo kaa caawineysa inaad fahamto inta lacag ah ee maalgashigaagu soo saari karo marka la barbardhigo wixii lagu bixiyay.
  15. Dividents: Saami qaybsiga waa lacagta laga bixiyo faa’iidada shirkadda taas oo loo qaybiyo saamileyda shirkadda iyagoo loo eegayo hadba saamiga ay ku leeyihiin shirkadda. Tani waa habka shirkaduhu ugu abaal gudaan maalgashadayaasha taageeradooda iyo maalgashigooda, waxayna noqon kartaa mid joogto ah ama mararka qaarkood.
  16. Budget: Miisaaniyadu waa qorshe maaliyadeed oo lagu qiyaaso kharashaadka muddo cayiman oo soo socda. Miisaaniyaddu waxay ka caawisaa ganacsatada inay si wax ku ool ah u maamulaan khayraadkooda maaliyadeed iyaga oo dejinaya yoolalka dhaqaale

[irp]

5 thoughts on “Fahamka Maaliyadda marka aad ganacsi bilaabayso

  1. Waa xog aad u qiimo badan runtii badankoodna waxay ka hadlaysaa field gayga mahadsanid ustaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *