Shirkadda Openai ayaa soo saartay Qeyb cusub oo bilaash ah chatgpt kamid ah oo u dhaxaysa GPT3.5 oo ah tan free-ga ah iyo GPT4 oo ah kan lacagta, qeybtaan waxaa la dhahaa (GPT-4o) waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad ka faaiideysan karto waxaa kamid ah:
- Horta marka hore waa bilaash.
- Afsoomaaliga way kaga wanaagsantahay 3.5
- Waxaad awood u leedahay inaad si bilaash ah u isticmaasho custom GPT, Custom GPT waa qeyb kamid ah awoodaha chatgpt oo ah inaad sameysan karto chatgpt adiga kuu qaas ah oo shaqooyin gaar ah kuu qabanaysa, waxaa sidoo kale jira qaar badan oo hore loo diyaariyay oo aad ku isticmaali karto gpt-4o oo aad kala soo bixi karto gpt store-ka, waana qeyb aad u wanaagsan oo waxbadan aad ka faaiideysan karto hadii aad barato sida loo isticmaalo.
- Waxay ka dhaqso badantahay 3.5 inkabadan laba laab.
- Waxaad isticmaali kartaa qeybta la hadalka oo aad xitaa luuqada ku tababaran karto.
- Waxaad isticmaali kartaa kaamaradaada si realtime ah inaad u tusto muuqaalo ay kuu sharaxdo
- Iyo waxyaabo kale oo cajiib ah.