Shirkadda Adobe oo ah shirkada iibisa barnaamijyadda cajiibka ah ee Photoshop iyo Premier pro iyo kuwo kale oo badan ayaa waxay maalmo dhawayd kusoo dartay sharciyadda isticmaalka barnaamijyadeeda qodob ay dadku aad uga cadhoodeen oo ah inay shirkada Adobe awood u yeelan karto inay isticmaasho sawirada dadka designerska sameeyaan inay ku tababarto computeradeeda AI-ga ah.
Adobe oo sheegtay in qofkii aqbala sharcigaas ay isticmaali doonaan xogtooda sida ay doonaan, qofkii diidana uusan isticmaali karin barnaamijyadooda. Arrintan oo xitaa keentay inay gaarto Hayadda FCC ee mareykanka oo shaqadeedu tahay inay waxyaabahaa dadka ka ilaaliso, sidoo kale isticmaalayaal badan ayaa ka xumaaday arrinkaan oo bilaabay inay isticmaalan ama bartaan barnaamijyo kale oo u dhigma kuwa Adobe si meesha looga saaro awooda ay Adobe leedahay iyo inay waxyaabo noocaas oo kale ah markay doonto iska keento.
Adiga ma ka guuri kartaa barnaamijyadda Adobe? qeybta faalada nagula wadaag.