Sidee linkedin-kaaga u Verify-garayn kartaa?

Marka aad Cinwaankaaga Linkedin-ka ka dhigto mid la xaqiijiyay oo Verified ah waxay kaa caawinaysaa inuu cinwaankaagu noqdo mid la aamini karo oo dadka doonaya inay ku shaqaaleysiiyaan ay ku kalsoonaan karaan, hadaba qormaddan waxaan idinkula wadaagayaa sida loo verify-gareeyo cinwaankaaga linkedin-ka.

Kusoo biir bahda Caseerblog.

Si aad u verify-garayso cinwaankaaga waxaad u baahantahay inaad buuxiso sharuudahan:

  1. Marka hore waa inaad heysataa Passport kamid ah kuwa ay aqoonsantahay shirkada Linkedin halkan ka eeg Wadamada la ogolyahay
  2. Waa inaad isticmaalayso Telifoon leh NFC sida Iphone oo kale
  3. Waa in Passport-kaagu kuu dhawyahay oo aad gacanta ku heysatid.
  4. Waa in magaca kuugu qoran passport-ka iyo magaca kuugu qoran cinwaankaaga isku mid yihiin.
  5. Waa inaad joogto meel iftiin ah oo ay kaamarada telifoonkaaga ku qaban karto.

Intaas kaliya ayaa lagaa doonayaa, marka aad intaas soo diyaarsato booqo profile-kaaga kadibna taabo verify now.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *