Sideen kick uga shaqeysan karaa.

Kick oo kamid ah platforms-ka laga soo galo live-ka oo badanaa loo isticmaalo in laga daawado games-ka, waa mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan dhanka lacag.

Marka sidee streamer u noqon kartaa lacag intee la eg ayaadse ka sameyn kartaa?

Marka koowaad Si aad u bilowdo waxaad u baahantahay oo kaliya inaad heysato

  1. 75 qof oo akoonkaaga soo follow-gareeya
  2. Iyo inaad live soo gasho 5 saacadood oo kaliya.

Intaas wixii ka dambeeya waxaad lacag ka heli kartaa wixii gifts ah ee laguu soo diro oo loo yaqaano (Subscriptions) oo waliba Kick 95% adiga ayay kusiineysaa lacagta laguu soo diro.

Kamid noqo asxaabtayda

Marka xigta waxaad u baahantahay inaad akoonkaaga verify-garayso, taas oo kusiin karta awood ah inaad noqoto Kick affiliate oo lagu siiyo mushahar gaaraya 16 doolar saacadii, adigoo ugu yaraan shaqeynaya maalinkasta 4 saacadood.

Waxyaabaha lagaa doonayo si aad Verified u noqoto waxaa kamid ah inaad telifoonkaaga ku xirato 2FA kadibna aad talaabooyinkan qaado.

  1. Inaad hesho 20 qof oo subscriber kuu ah 30 maalmood ee u dambeeyay
  2. Inay 75 qof ku daawadeen si toos ah 30kii maalmood ee u dambeeyay
  3. Inaad 12 maalmood ugu yaraan live kasoo gashay bishii u dambeysay
  4. Inaad ugu yaraan 30 saacadood live ku jirtay bishii u dambeysay
  5. Inaad la sheekeysatay 300 oo qof oo live ah 30kii maalmood ee u dambeeyay
  6. Inaad marka aad live-ka ku jirto lagu arko oo wajigaagu muuqdo
  7. ugu yaran inaad halkii maalin 4 saacadood live kujirto oo lagu arko.

Waxa ugu muhiimsan ee lagaa doonayo waa inaad u sabarto oo aad waqti badan galiso oo aad u dhafarto, runtii waa hawl u baahan waqti badan in la geliyo oo loo rafaado laakiin hadii aad tahay dadka jecel inay games-ka ciyaaraan way iska diiwaangelin karaan platformkan waxaadna ka gali kartaa www.kick.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *