Marka aad tahay qof developer ah ama qof imika baranaya Computer Science waa in hab fikirkaagu noqdo inaad abuurto barnaamijyo bulshada waxtar u leh oo adigana qaab passive ah kuugu shaqeeya balse ha u fikirin uun inaad shaqaale noqoto.
Waxaa jira caqabado farabadan oo suuqa ka banaan oo lagu xalin karo software tusaale yar aan idin siiyo: Shirkadaha dalkeena ka jira intabadan caqabadaha ugu waaweyn ee heysta waxaa kamid ah in maamulka iyo shaqaaluhu ilaa hada aysan heysan system ay kuwada shaqeeyaan oo shaqaalaha lagula xisaabtamo, shaqooyinkiisa lagala socdo, lagu qiimeeyo, mashaariicda shirkada laga dabagalo, sida hadii shirkadu rabto inay sameyso kaambeyn cusub oo suuqgeyn ah meel laga abuuri karo mashruuca kaambeynka, dadka ka shaqeynaya lagu soo daro, qarashkiisa lagu xisaabiyo, tasks loo sameeyo ilaa laga dhameeyo. Kadib qofka maamulka ah uu halkaas kala socon karo sida wax u kala socdaan.
Haddii fikrado noocaas ah aad ula tagto maamulka shirkadaha cid kaa diideysa malaha kadibna aad ka kireyso oo waxaaba kugu filan 10 shirkad oo waaweyn oo bishii aad lacag kiro ah ka uruursato.
One thought on “Hab fikirka shaqo abuurka.”
Nice