Xirfadaha culculus (Hard skills) Sida: inaad tahay programmer ama xisaabiye ama project manager waxay kaa caawiyaan inaad shaqo ku hesho balse xirfadaha jilicsan (soft skills) waxay kuu sahlayaan in lagu dalacsiiyo, waxaan halkan idinkula wadaagayaa 7 xirfado oo nooca jillicsan ah oo aad baran karto hadda.
- Time management: Ku dadaal inaad shaqooyinkaaga u kala horeysiiso sida ay u kala muhiimsan yihiin, inaad barato waxa loo yaqaan delagation-ka ama shaqo kala qeybinta, iyo inaad barato sida maya loo yidhaahdo waxyaabaha aan muhiimka kuu ahayn ee waqtiga kaa dilaya.
- communication skills: waxaad ku dadaashaa inaad maamulkaaga iyo shaqaalaha kula shaqeeya aad dhagaysato adigoo hadalkooda ka dhexgalayn, inaad ku hadasho hadal toosan oo aan kibir iyo is adkeyn ku jirin adigoo markasta farxad muujinaya xitaa hadii aad cadhaysantahay, inaad body language-kaaga la socoto marka aad hadlayso.
- Persuasion: inaad barato sida dadka wax looga qalqaalsado, iyo sida wax loogu qanciyo iyadana waa muhiim waxaad ku dadaashaa inaad barato waxa dadka kale danaynayaan, inaad kala hadasho wax ayaga quseeya oo ay xiiseynayaan, Tusaale hadii boss-kaagu jecelyahay cayaaraha marka aad wada hadlaysaan ama aad wax ka dooneyso waxaad dhahdaa “Alla xalay Arsenal Jab ayaa ku dhacay” iyo inaad la socoto dareenka dadka kale hadii ay murugoonayaan ama dhibaato kale heysato aad u muujiso u dhimrin.
- Good Work ethics: Yeelo aadaab wada shaqeyn iyo sharaf, markasta qaado masuuliyadda wixii kaa xumaada, shaqooyinkaaga ka yareey cudur-daarka, balamaha ilaali xitaa hadii ay tahay balan social ah, dadka kalana iska ilaali inaad markasta eedeyso.
- Teamwork: Markasta iska ilaali inaad libinta sheegato xitaa hadii aad adigu hawsha ugu badan qabatay, dadka kale guulahooda ku hambalyeey, oo ku amaan shaqo wanaaga dadka kale qaab public ah adigoo dadka kale tusinaaya qofkaasi inuu shaqo fiican qabtay xitaa hadii uu maamulkaaga yahay.
- Relationship building: isku day inaad dhisato xidhiidho toosan oo dadka kale ah, isku day inaad caawiso adigoon wax abaalmarin ah ka rabin iyo inaad shaqooyinka qaar marmar ka fududeyso
- Conflict resolution: Hadii aad wax isku qabataan dadka aad wadashaqeysaan markasta iska ilaali muranka aan faaiidada lahayn, isku day inaad xaluusha ka shaqeyso iskana ilaali inaad markasta muranka ku guuleysato, raali gelin bixi hadii aad ogaato inuu qofkaasi kaa saxnaa.
3 thoughts on “Xirfadaha jilicsan iyo muhiimada ay leeyihiin.”
M.a aad bad u mahad santahay wll
adiga mudan walaal
Msha allah thanks walaal