Berigii aan waxbarashadda caadiga ah kujiray, marka aan doonayo inaan wax xifdiyo qaababka ugu fiican ee aan isticmaali jiray ayaa ahayd inaan dib u qoro wixii aan aqriyay si aanan u ilaabin, sababtoo ah markasta oo aad wax qorto waxay maskaxdaada ku reebaysaa xusuus dheeraad ah.
Kaliya waxbarashada ma ahane waxaad u adeegsan kartaa wax aqriska sidoo kale, tusaale waxaad sameyn kartaa dabeecad ah markasta oo aad wax aqriso saacad inaad 10 daqiiqo qorto wixii kaaga soo baxay saacadaas aad wax aqrineysay.
Maxaa kamid ah waxyaabaha aad ka faiideysan doonto markaad wax qorto.
- Waxay kor u qaadaysaa hab fikirkaaga oo waxaad noqoneysaa qof fikirkiisu balaadhanyahay.
- Waxaad noqoneysaa qof halabuur leh.
- Waxaa kor u kaca qaabka aad dadka ula hadli karto oo qof afmiinshaar ah ayaad noqon kartaa.
- Waxaad ka sameyn kartaa lacag markasta oo waxaad soo saari kartaa buug.
- iyo tan ugu muhiimsan hadii aad qorto qoraalo saameyn leh oo wanwanaagsan waxay noqonayaa kuwa adiga kaa muuqdo oo horumar ayaad ku sameyn doontaa.