Sanadkii 2019 waxaan sameeyay daraasad kusaabsan ganacsiyadda bilowga ah ee “Startupska” ah, waxaan sameeyay waraaqo aan dhawr suaalood ku qoray oo aan dadka meheradaha leh ku idhi bal iiga jawaaba.
Marka waxaa jirtay hal suaal oo muhiim ahayd oo dhahaysay “Maxaa ufuratay ganacsigan?”
83.6% dadkii kamid ah oo tiradoodu gaadhaysay 60+ qof waxay dhaheen: waligayba waan jeclaa inaan ganacsi kan oo kale ah bilaabo ama wax u dhigma oo sidaas oo kale ah.
Way yaraayeen dad daraasad sameeyay oo baahiyaha suuqa ku furtay ganacsiga.
Badankeena waxaan ganacsi u furanaa laba midood:
- Waxaan waan xiiseeyaa.
- Ama inaan aragno dad badan oo furtay kadibna aan is dhahno alaylahe waa fursad ee adigana biloow.
Waxaa laga yaabaa inuu jiro ganacsi dadku yasaan laakiin suuqleh, kaas oo kale biloow muhiimadu waa in meeshu suuq kujiro ee qasab ma ahan inaad qashinka magaalada ka gurto inay ceebtahay.
2 thoughts on “Waxa aad jeceshahay iyo waxa ay dadku doonayaan!”
Ustad noo soo badiaqaalada nuucaan ah
inshalah walaah waa diyaar