Sharcigan waxaa uu ku leeyahay shaqadu waxay ku balaadhataa hadba waqtiga aad ugu talagasho.
Maskixiyan binaadamka haddii shaqo lagu qaban karo 1 maalin, la siiyo hal isbuuc, waxaa dhacaysa inuu qofkaasi halkaas isbuuc ku dhameeyo shaqada, laga yaabaa inuu halmaalin ku dhamayn lahaa balse isaga waxaa uu aaminay inay halkaa isbuuc ku filantahay.
Marka adiga xitaa haddii shaqada aad qabanayso aanad si sax ah u qiimeyn oo waqti dheer iska qabsato waxaa dhacaysa hawl aad halmaalin kukala tuuri lahayd inay kula jiitanto. Sidoo kale waxaa dhacda haddii shaqada aan loo sameyn wax deadline ah inay iska sii jiitanto oo micna beesho adigana aad dib u dhig badan geliso.
Marka sidee baad caqabada noocaan ah iskaga xalin kartaa?
- Hawlahaaga u qorsheyso qaab habaysan oo aad si fiican u baadhay, isku day inaad ogaato inta ay shaqadu kugu qaadan karto.
- U sameey shaqo kasta waqti go’an oo Deadlin ah, shaqadu yaysan kaa noqon digsi bilaa dabool ah, oo u sameey mudo cayiman oo aad markii hore ku qiimeeysay culeyska shaqadan.
- Isticmaal Farsamadda loo yaqaan Time blocking, waa farsamo aad isku bari karto ‘Diirad saarida’ iyo sida aad shaqada ugu soo jeesan karto, hadii aad barato farsamadaan waxaa iman doonto inaad shaqo badan oo kula cuslayd inaad waqti kooban ku qabato, Marka waa maxay “Time blocking”?
- Waa farsamo aad waqtigaga ku kala jajabsan karto, tusaale waxaad saacada oo 60 daqiiqo ah u kala jajabineysaa 3 qeybood oo min 20 daqiiqo ah, kadibna 20 daqiiqo shaqeey oo waxkale haku mashquulin, kadibna marka labaatankaa dhamayso 10 daqiiqo oo baashaal iyo nafis ah gal ama shaah cab ama yar lugeey kadibna marka kaa dhamaato 10kaas hadana 20 daqiiqo kale oo adag gal kadibna marka dhamayso 10 kale naso, waa farsamo aad maskaxdaada ku qiyaameyn karto si aad marna u nafisto markale oo kabadana aad shaqeysato waliba si aad soo jeedo oo diirada aad saarayso.
- Waxaad isticmaali kartaa farsamada Pomodoro technique oo aad kusii xoojin karto isla habkaan si aad waxbadan u qabato booqo websitekan si aad u sameysato pomodoro timer https://pomofocus.io/
- Sidoo kale markasta ku dadaal inaad waqtigaaga ka aaminto inuu yahay hantida ugu weyn ee aad heysato, oo uu waxkasta kaaga qaalisanaado, oo adigoo shaqo ku qaban kara halmaalin inaadan isbuuc iska qasaarin oo aad waqtigaaga ixtiraamto, si aad firaaqo badan u sameysato oo aad waxbadan ku qabsan karto.
Mar alaale marka aad fahanto sharcigan Parkinson’s Law, iyo sida uu u shaqeeyo waxaad awood u yeelan doontaa inaad u isticmaasho qaabab aad ugaga faaiideysan karto oo dan kuugu jirto, taas oo keenaysa inaad waxbadan qabsato noloshaada oo culeysyo badan iyo madax xanuun aad kaga nasato, sidoo kalana aad firaaqo badan ku hesho.