Haddii aad tahay qof sabar badan oo aan dhaqso u quusan waxaan kuu hayaa talo aad u wanaagsan oo aad lacagna ku sameyn karto sidoo kalana noloshaada dambe waxbadan ka badali kara.
Dhalinyaro talada ugu fiican ee aan kusiin karo si aad lacag passive income ah u hesho waa inaad bilowdo content creation xitaa kuwa face-less ah (Micnaha aan wajigaaga la arkayn oo muuqaalo aan copyright lahayn aad isticmaasho).
Tusaale ahaan: Facebook furo kadibna soo qaado muxaadarooyin dib u edit-gareey, iska ilaali copyright kadibna sidaas ku wad, sanad ilaa 2 sano kadib midhihiisa waad helaysaa.
Aniga waxaan garanayaa dad pages badan iyo janalo leh oo telifoonkooda uun isticmaala oo soo dajiya muuqaalada kadibna sii geliya, oo sidaas wax ku hela.
Soo qaado telifoonkaaga, sameyso page, kadibna soo geli muuqaalo xiiso leh, kushare-gareey groups-ka iyo dadka asxaabtaada iyo ehelkaaga oo sidaas ku dhis hana quusan ilaa inta aad meel fog ka gaadhsiineyso.