Axmed Nuur jimcaale waxaa uu kamidyahay ganacsatadda ugu waaweyn Soomaalida (haduusan ahayba kan ugu weyn) waxaa uu maamulaa shirkadda Hormuud Group oo ka kooban ilaa 10 qeybood oo waaweyn taas oo ka shaqeysa qeybo kala duwan oo ay kamid tahay Tamarta, Guryaha, Isgaadhsiinta, Cuntadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caawinta bulshada.
Waraysi uu ku bixiyay aalada Zoom ayaan kasoo qaatay 9 qodob oo muhiim ah oo uu ku sharaxayo sidee ganacsi loo sameystaa, waa 9 qodob oo uu kusharaxayo khibradiisa ganacsi waana qodobo aan aad ula dhacay oo cajiib ah.
- La imaaw Alle ka cabsi: Inaad Ilaahay talosaarato oo aad weydiisato inuu kusiiyo maal iyo irsaaqad kheyr qabta.
- Fikrad wanaagsan: Hadii aad dooneyso in ganacsigaagu guuleysto, waa inaad la timaado fikrad dadka noloshooda fududeynaysa, waliba si ka fiican sida ay hada u heli karaan, adigoo si dagdag ah ugu adeegaya sidoo kalana kor u qaadaya tayadda adeegaaga, qiimaha adeegana ka dhigaya mid la awoodi karo.
- Dadka baro: waa inaad xidhiidh wanaagsan la leedahay dadka kaa waaweyn ee awooda leh, noqo qof aqlaaq leh oo dadka fahmi kara.
- Waa inaad raadiso maalgelin si ganacsigaagu kor ugu kaco: ha isku koobin ganacsiga oo bulshada la dhexgal oo lacag maalgelin ah raadi, dabcan waa inaad isku kalsoontahay oo aad ganacsigaaga si fiican uga soo shaqeysay, fikradaaduna taha, fikrad wanaagsan dadkuna doonayaan si ay u maalgashadaan.
- Dadka kula shaqeynaya ha noqdaan dad aqoon leh: sidoo kalana amaano leh oo wax lagu aamini karo, sababtoo ah hawsha ugu badan iyaga ayaa kuu qaban doona.
- Dadka kula shaqeynaya ha dareemaan inay ganacsiga kula leeyihiin: oo faaiidada kusoo gasha wax kasii oo adiga uun ha cunin, waa inaad kheyrka la jeclaato shaqaalahaaga oo wixii kusoo gala aad wax ku celisid, mushahar kaliya haku koobin ee meesha wax haku lahaadaan.
- Macaamiishaada u naxariiso oo ha noqon qof damaaci ah oo macaamiisha lacag badan ka shubta, sidoo kale hagaaji xidhiidhka adiga iyo macmiilka idiin dhaxeeya.
- Sameey sahan joogta ah oo markasta daraasad sameey si ganacsigaagu u noqdo mid suuqa la socda oo haka tartamayaasha suuqa kula jooga.
- Ha quusan: Waxkasta ayaa dhici kara, marka jabkasta oo kugu dhaca hakuu noqdo mid aad waxkabarato.
8 thoughts on “9 qodob oo uu Axmed Nuur Jimcaale ka yidhi ganacsiga.”
Waa qodobo aad u wanaagsan inshalah waan isticmaali doonaa, waadna ku mahadsantahay sida aad usoo koobtay.
adiga mudan walaal
Aadbaad u Mahadsantahay walaalkay Cabdiraxmaan Caseer
adiga mudan walaalo
Mash Allah waa qodobo ka bogosho mudan oo qofkii hab raac ahaan u raaca waa mid la hubo inuu ganacsigiisa guuleysan karo 100%.
Adna waa ku mahadsantahay sida quruxda badan aad noogo soo gudbisay .
Shukran ayaa ustaadi
adiga mudan walaal qaali
Waa inta ka dhiman badi somalida ee Guuleyso Cabdiraxman
Adiga mudan walaal