Vilfredo Pareto waxaa uu ahaa nin beeraley ah oo noolaa sanadihii 1800-naadkii, maalin isagoo dhex jooga beertiisa ayuu wuxuu ogaaday arrin cajiib ah oo uu aad ula yaabay. waxa uu ogaaday in beertiisa inyar oo kamid ah ay soo saaraysay cuntadda ugu badan ee uu tabco.
Pareto waxaa uu sidoo ahaa nin kuwanaagsan xisaabaadka iyo dhaqaalaha, waxaa uuna bilaabay inuu aragtidaas meelo badan ku eego, waxyaabo badan oo cajiib ah ayuuna ogaaday.
Waxyaabaha uu ogaaday waxaa kamid ah:
- In dhaqaalaha dalka ay gacanta ku hayaan inyar oo u dhiganta boqokiiba labaatan.
- In guryaha magaalada ay leeyihiin boqolkiiba labaatan dadka magaaladiisa dagan.
Kusoo biir asxaabta emailkeena ku xidhan.
Waxaan dirnaa emails aad waxbadan ka faaiideysan doonto isbuuc kasta, si aad u hesho halkan hoose iska diiwaangeli.
Sideen ugu noolaan karaa aragtidan?
- Xidhiidhka aad dadka la leedahay: Waa ayo dadka kooban ee noloshaada saameynta ku leh, ee la doonayo inaad waqti badan la qaadato oo aad markasta xiriiriso?
- Muhiimadahaaga: Maxaa weeye talaabooyinka kooban ee hadii aad qaado saameyn badan kuyeelan kara noloshaada ee la doonayo inaad markasta u horeysiiso?
- Waxbarashada: Maxay yihiin cilmiga ugu muhiimsan ee nolosheyda aduun iyo aakhiro waxbadan ii tari kara ee aan u baahanahay inaan barto? raadi oo waqti badan geli.
- Walwalka iyo stresska: Maxay yihiin waxyaabaha yaryar ee kugu keena walwalka badan ee aad u baahantahay inaad iska baabi’iso ama aad iska saxdo.
- Dadaalada horumarada: Maxay yihiin shaqooyinka yaryar ee hadii aan qabto waxyaabo badan nolosheyda kusoo kordhinaya.
Marka sideen nolosheyda ugu dabaqi karaa sharciga 80/20
Kaliya intaan uun sameey:
- Maxaa muhiim kuu ah, Marka hore halkeed dooneysaa inaad noloshaada ku dabaqdo sharcigan ee muhiimka kuu ah.
- Waxaad ogaataa dadaalada aad bixineyso ee kooban ee kuusoo saaraya waxqabadka ugu fiican iyo natiijooyinka ugu waxtarka badan leh
- Waxaad kadib isku daydaa inaad diirada saarto oo aad dadaalkaaga iskugu geyso meelahaa aadka waxsoosaarka kuugu leh.
- Qiimeey oo isku day inaad hagaajiso ilaa aad ka gaadhayso inaad waxkasta oo noloshaada ka qabanayso inaad sharcigan u marto.
4 thoughts on “Aragtida Pareto ee 80/20”
Wax sii buuran kamaan helin waan soo lu go’ay uun….
mahadsanid
Waxbadan ayan ka faaiday website kan mahadsanid sxb
adiga mudan walaal