3 nooc oo marketing ah oo aad u baahantahay inaad isticmaasho.

Suuqgeyntu marxalado kala duwan ayay soo martay, waxaana is odhan karnaa imika waxay joogtaa xiliga ugu fiican ee aad fariintaada dadka gaadhsiin karto, Balse markasta oo wax la fududeeyo waxaa bata dadka isticmaalaya taasoo keenaysa in jaam badan ka dhasho, halkan waxaan idinkula wadaagayaa 3 nooc oo suuqgeynta kamid ah oo aad u isticmaali karto ganacsigaaga.

Social media marketing

Suuqgeynta noocaan ah waa tan ugu waxsoosaarka badan uguna qiimaha macquulsan, sidoo kale marka la joogo dhulalka Soomaalida waatan ugu fiican ee aad isticmaali karto si aad macaamiil badan u hesho ama ganacsigaaga dadka u barto oo aad branding u sameyso. Suuqgeynta noocaan ah waxyaabaha ay ku fiicantahay waxaa kamid ah

  1. Qiimaha aad ku bilaabi karto waa mid aad u yar oo ilaa 1 doolar ayaad ku bilaabi kartaa.
  2. Waxaad gaadhsiin kartaa fariintaada bulsho aad u balaadhan adigoo kala dooran kara bulsho dagan meel gaar ah, Tusaale: Waxaad awood u leedahay inaad gaadhsiiso fariintaada bulsho dagan magaalo qudha ama magaalada uu ganacsigaagu ka shaqeeyo.
  3. Xayaysiinta noocaan ah waxay ku fiicantahay waxaad heli doontaa warbixin dhamaystiran oo kusaabsan lacagtaada sida ay ku baxday iyo wixii aad ku heshay tusaale: hadii kaambeynka aad ku bixisay $100 doolar waxaad ogaan kartaa inta qof ee la tusay xayaysiiskaaga iyo inta ka falcelisay ee kula soo xidhiidhay.
  4. Waa suuqgeyn fudud oo qofkasta bilaabi karo, aqoon sidaa usii badan uma baahnid si aad u bilowdo.

Content marketing

Content marketing waa nooc suuqgeynta kamid ah waliba noocyadda casriga ah, suuqgeynta noocan ahi waxay kamid tahay kuwa ugu fiican ee waxsoosaarka leh, marka waa maxay content marketing? Tiktok wali maku aragtay dumar iscadeeya oo kariim marsada kadibna kariimkaas dadka ka iibiya? content marketing waa intaas waa inaad ka hadasho waxa aad iibineyso oo aad dadka barto, sida inaad muuqaal kasameyso ama inaad qormo ka qorto ama inaad sharaxdo sida loo isticmaalo oo aad dadka barto.

Influencer marketing

Raadso qof leh xoogaa saameyn ah oo aan sidaas caan u sii ahayn, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inay kugu sii qaaliyeeyaan, kadib u isticmaal qofkaas inuu noqdo wax loo yaqaan brand ambassador adigoo kula heshiinaya inuu kaligaa kula shaqeeyo oo uu ku caawiyo, sida inuu kuu duubo muuqaalada ama sharaxo waxyaabaha aad iibiso ama uu isticmaalo waxyaabaha aad iibineyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *